Madaxweyne Deni oo u duulaya Dalka Imaaraadka, iyo Ujeedada socdaalkiisa

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa la filayaa inuu maanta u amba-baxo dalka Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay saraakiil katirsan Madaxtooyadda Puntland.

Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni ayaa kusii hakan doona Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, isagoona berri uga sii gudbi doona magaalada Dubai.

Xubno kamid ah Xukuumadda Puntland ayaa Idilnews u sheegay in Madaxweyne Deni uu Imaaraadka Carabta u aadi doono arrimo isugu jira shaqo iyo Caafimaad, waxaana uu kulan kula yeelan doonaa Dubai Madaxda Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa dekedda Boosaaso, oo marar badan ay baaqdeen kulamo ay yeelan lahaayeen.

Deni ayaa marar badan warbaahinta dhaleeceyn u mariyay Shirkadda DP World, oo uu sheegay in aysan fulin heshiiskii ay la gashay Puntland ee la xariiray balaarinta Dekedda Boosaaso, waxaana uu ka joojiyay bilo kahor lacag si toos ah ugu dhici jirtay gacantooda oo ay ka qaadi jireen dekedda.

Socdaalka Madaxweyne Said Abdullahi Den, ayaa kusoo aadaya xilli habeen kahor uu Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Mohamed Hussein Roble uu iclaamiyay 20 bishan May, Shir u dhexeeya Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada, kaas lagu dhameystirayo heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii September. wallow aysan Puntland illaa hada cadeyn mowqifkeeda shirkaas iyo in ay tagi doonto.

Idilnews