Wasiirka Maaliyadda Qatar oo la amray in la xiro

Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Qatar ayaa amar ku bixiyay in la soo xiro Wasiirka Maaliyadda Qatar Ali Shareef Al Emadi, si wax looga waydiiyo tuhunka laga qabo Lunsashada lacagta dawlada iyo ku tagri fal awoodeed, sida ay sheegtay warbaahinta Dowladda.

Wakaaladda Wararka ee Qatar ayaa qortay in go’aanka la qaatay kaddib markii dib loo eegay dukumiintiyada la xiriira dambiyada waaxda dowladda, waxaana ay intaas ku dartay inuu socdaan baaritaano dheeraad ah.