Wiil Soomaali ah oo lagu dilay Dalka Mareykanka

Nin hubeysan oo doonayay in uu dhac u geysto ayaa muwaadinka Soomaali ah waxaa uu ku dilay Magaalada Moorhead ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdullahi Maxamed Cabdullaahi, ayaa ahaa Tagsiile.

Booliska Magaalada ayaa ay sameeyeen howlgal ay kusoo qabten Ninka dilka u geystay Muwaadinka Soomaaliyeed, iyaga oo sidoo kale wada baaritaan dheeri ah oo la xiriira dilka.