Madaxweynaha Galmudug iyo Wakiilka Midowga Afrika oo Muqdisho ku kulmay

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaanna xaaladaha amni Galmudug iyo sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka argagaxisada iyo suggidda Amniga.