Sawirro: Puntland oo dekedda Boosaaso kusoo dhaweeysay Qaxooti Yemeniyiin ah

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa magaalada Boosaaso kusoo dhawaysay maanta Qaxooti Yemeniyiin ah iyo Soomali kasoo cararay rabshadaha iyo dhibaatooyinka ka jira waddanka Yemen, kuwaas oo doon sidday ay kusoo xiratay Dekedda Boosaaso.

Qaxootiga soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa dhan 61 Qoys, waxaana loo galbiyay goobo Wasaaraddu u diyaarisay inay ku degaan.

Waddanka Yemen oo ay ka jiraan dhibaato iyo colaado ayaa si xiriir ah waxaa  uga soo qaxa qoysas fara badan si ay naftooda ugu la cararaan meel nolol ahaan iyo Amni ahaanba dhaanta, waxaana ka mid ah meelaha ay sida joogtada ah ugu soo qaxaan deegaanada Puntland oo ay ka heleen soo dhowayn iyo nolol.