Sawirro: Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Madaxweynihii hore ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud, ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Xijaar, Ku-xigeenkiisa kowaad iyo Af-hayeenka Booliska.

Kulanka Xasan Sheekh iyo Gen. Xijaar ayaa looga hadlay marxalada Dalka, gaar ahaan rabshadihii ka dhacay Muqdisho ee ay sababtay muddo kororsigii fashilmay ee Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo sidii Ciidanka Booliska aysan ugu dhex milman laheyn khilaafka Siyaasadda.

Idilnews