Taliyaha Booliska Jubbaland oo xalay kormeeray xaafadaha Magaalada Kismaayo (Sawirro)

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska dowlad gobaleedka Jubbaland Sareeye Guuto Maxamed Cabdi Sheekh iyo Taliyaha Qeybta Gobolka Jubadda Hoose Gashaanle Sare Sadiiiq Mohamud Dhogor ayaa xalay kormeer guud ku sameeyay xaafadaha kala duwan ee magaalad Kismaayo.

Goobaha ay kormeereen ayaa waxaa kamid ah Rugaha Ciidanka, Isgoosyada laga sugo ammaanka iyo Xarumaha Birmadka Booliska ay ka hawlgalaan.

Ujeedka kormeerka taliyeyaasha ayaa daaranaa is dhex galka Bulshada iyo Boliiska Xaqiijinta ammaanka guud ee magaalada Kismaayo iyagoona xog wareystay saraakiisha iyo ciidanka ku sugan goobihii ay kormeereen

Sidoo kale intii ay saraakiishu ku jireen kormeerka ayay kulan la qaateen shacabka ku nool Kismaayo iyagoo waqti la qaatay sidoo kale kala hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa sugida ammaanka maadama ay tahay arrintaasi dan guud.

Taliyayaasha oo shacabka la shaahay ayaa kaga mahad naqay sida ay ula shaqeeyaan laamaha ammaanka had iyo goor la’aantoodana aan la xaqiijiyeen amniga guud ee Kismaayo

Bulshadii ey la kulmeen saraakiisha ayaa si weyn u soo dhaweeyay iyagaana ku amaan ciidamada amaanka Jubbaland sida ay har iyo habeen ugu heelan yihiin xaqiijinta amniga guud ugana mahadceliyay howsha adag ee ay shacabka u hayaan.