DF Soomaaliya oo sheegtay inay wada-hadal la furayso Kenya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in markii hore sababta keentay in Kenya xiriirka loo jaro ay keentay faragelin ay ku sameeysay arrimaha Soomaaliya, isla markaana dhegaha ay ka fureysatay baaqyo ay u jeediyeen.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Wasiirka in wada-hadallo toos ah ay la furi doonaan dowladda Kenya, arrintaasna ay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya wadi doonto si loo dhameeyo mad madowgii ka dhex-jiray labada dowladood.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kusoo aadayaa xilli dowladda Qatar ay ka dambeysay in dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqdo in dib ay u soo celisay xiriirkii kala dhaxeeyay Kenya oo ay horay u jartay dowladda Soomaaliya.