Itoobiya oo Dowlad deegaanka Soomaalida ugu yeertay Somalia

Guddiga doorashooyinka Itoobiya ayaa shaaciyay sida Ismaamulada Itoobiya ay isugu diiwaan-galiyeen doorashada, waxaana cajiib noqotay in Dowlad Deegaanka Soomaalida loogu yeeray Somalia.

Qoomiyadda ugu badan ee isku diiwaan-galisay ayaa noqotay Qoomiyadda Oromada, waxaana dadka isdiiwaan-gaaliyay ay badan yihiin 14 Milyan, halka Qoomiyadda soo raacda ay tahay Amxaarada oo gaaraysa 5 Milyan.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in doorashadan ay qeyb ka aheyn Qoomiyadda Tigreega oo uu Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu weeraray dabayaaqadii sanadkii tagay.