Ma dhab baa in Soomaaliya ay ka laabatay Dacwadda Badda ee taal ICJ ?

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa beeniyay in dowlada Soomaaliya ay ka laabatay dacwadii badda eea Maxkamadda ICJ.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ahaa mas’uulkii hoggaaminaya ergada Soomaaliya ee maxkamadda ICJ, ayaa sheegay in kiiskaas ay maxkamadda go’aan ka gaari doonto.

“Muranka Badda waxaa dhameystiri doona ICJ kadib markii dhageysigii hadalka ahaa lasoo geba gebeeyeey March 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa go’aan caddaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dalna waa arrin gaar ah,” ayuu yiri Mahdi oo qoraal soo dhigay bartiisa twitterka.

Waxaa soo baxayay warar saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar kuwaasoo sheegayey in labad dal ay kiiska badda ka gaarayaan xal ka baxsan maxkamadda, oo ay garwadeen ka tahay Qatar.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Khamiistii inay dib u soo ceshatay xiriirkii kala dhexeeyay dowlada Kenya kadib markii magaalada Muqdisho uu wadahadal kula yeeshay madaxda dowlada Soomaaliya ergey ka socday dowlada Qatar.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.