Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay qaar kamid Safiirada Beesha Caalamka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta ka qeybgalay shir ay ku casuumeen qaar ka mid ah saaxiibada Beesha caalamka oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD.

Madaxweynaha iyo danjirayaasha ayaa ka wada hadlay xaaladda doorashooyinka iyo qabsoomidda Shirka wadatashiga qaran ee lagu balansanyahay Muqdishu 20ka May 2021.