Madaxweynaha Puntland iyo Maareeyaha DP World oo ku kulmay Addis Ababa (Warbixin)

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, oo maalin kahor gaaray magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Shirkadda DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem.

Kulanka oo ka dhacay Hotel ku yaalla Addis Ababa ayaa looga hadlay xaalada Dekedda Boosaaso oo ay gacanta ku heyso Shirkadda DP World iyo sidii Shirkaddu u bilaabi laheyd balaarinta Dekedda oo ay la wareegtay 2017-kii, kaddib heshiis ka dhacay Magaalada Dubai.

Deni ayaa marar badan warbaahinta dhaleeceyn u mariyay Shirkadda DP World, oo uu sheegay in aysan fulin heshiiskii ay la gashay Puntland ee la xariiray balaarinta Dekedda Boosaaso, waxaana uu ka joojiyay bilo kahor lacag si toos ah ugu dhici jirtay gacantooda oo ay ka qaadi jireen dekedda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, inuu wada-hadal adag uu dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo Maareeyaha Shirkadda DP World, iyadoo uu jiro heshiis dhexmaray Labada dhinac oo dhigaya in bilaha soo socda ay Shirkaddu bilowdo fulinta heshiiska iyo balaarinta Dekedda Boosaaso.

Heshiiska Puntland iyo Shirkadda DP World ayaa dhigaya in balaarin iyo cayriyeyn lagu sameeyo Dekedda Boosaaso, iyadoo Dekedda lagu kordhin doono illaa 450 Mitir oo ballac ah, sidoo kale waxaa la dayactiri doonta qaybta haatan shaqaysa, waxaana mashruucan ku baxeysa lacag dhan $336 million, lacagtaas oo wejiga koowaad ee dekada la gelin doono $ 200 million Dollar, halka wejiga labaad ee dekada la gelin doono lacag dhan $ 136 million Dollar.

Idilnews