Muqdisho: Tirada Dadka u geeryooday cudurka COVID-19 oo korortay

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 48 saac ee ugu dambeeysay la diiwaan geliyay 47 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland (23) Puntland (18) gobalka Banaadir (4) Hirshabeelle (1) iyo Jubbaland (3), taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,415.

Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 2 bukaan ah u geeriyoodeen cudurka COVID-19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 747 qof, halka ay cudurka ka bogsadeen 39 qof, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 6,191.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa ugu baaqday Shacabka Soomaaliyeed inay muujiyaan feejignaan, ayna qaataan tallooyinka dhakhaatiirta ee ka hortaga cudurka COVID-19, si loo yareeyo saameynta cudurka ee sii baahaysa.