Rag loo heystay dilkii Guddoomiye Cabdikariim Dhagajuun oo lasii daayay

Laba kamid ah Todobo Eedeysane oo Maxkamad Qaadistooda socoto ayay Maxkamadda sii-daysay kadib Dhageysiga Guddiga oo Maxkamaddu ka weyday in ay qayb ka ahaayeen Xabadihii uu ku dhintay Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdikariin Dhagajuun.

Cabdiraxmaan Isaaq Cabdullaahi & Xasan Abuukar Maxamuud “Buuqsane” ayaa lasii daayey.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Eedda kala noqday waxaa uuna codsaday in loo dhageysto Warbixin ahaan.