Sawirro: Puntland iyo Hay’adda FAO oo ka wada-hadlay oo arrimo muhiim ah

Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland iyo Saraakiil ka socotay Hay’adda FAO xafiiskeeda Soomaaliya ayaa kulan labo-geesood ah ku yeeshay maanta magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Kulankaan waxaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga labada dhinac, sare u qaadista mashaariicda wadajir ka ay u fuliyaan FAO iyo wasaaraddu, dhamaystirka qorshayaaashii ay horey uwada fuliyeen labada dhinac iyo arimo kale oo muhiim ah.