Turkiga iyo Sacuudiga oo ka wada hadlaya khilaafka u dhaxeeya

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu  ayaa qorsheynayo inuu Toddobaadka soo socdo safarkiisii u horeeyey ee uu ku tago Caasimadda dalkasi ee Riyadhtan iyo sanadkii 2017-kii.

Saraakiil la hadashay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay inuu Wasiirku qorsheynayo inuu bishan 11-da Kulan la yeesho Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan (MBS).

Xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada Waddan ayaa xayirnaa dhowkii sano ee la soo dhaafay, iyadoo Dowladda Sacuudiga ka carootay Taageeradda uu Turkiga la garab taagnaayeen Dowladda Qatar, kadib,  Cunaqabatayntii ay Sacuudiga iyo kuwo kale ku soo rogeen Qatar.

Sidoo kale, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa isku maandhaafay dilkii ay Sirdoonka Sacuudiga ee Saxafigii  Jamaal Khashoggi, kaasi oo lagu dilay Qunsuliyadii Safaaradda Sacuudiga ku lahaayeen magaalladda Istanbul bishii October 2-dii ee sanadkii 2018-kii.

Dhinaca kale, Dowladda  Sacuudiga waxay 98% joojiyeen Badeecadihii Ganacsiga ee Turkiga, isla markaana waxay Sacuudiga albaabadda u laabeen 8 Dugsiyo Turkishka ku lahaayeen Sacuudiga.

Madaxweyne Erdogan waxa uu xilligaasi sheegay in Amarka lagu dilay Jamal Khashoggi ay bixiyeen Saraakiil heer sare oo ka tirsan Dowladda Scuudiga.

Bishii Feberaayo ee sanadkan waxay Sirdoonka Maraykanka soo saareen Warbixin ay ku sheegeen inuu Maxamed Bin Salmaan ansixiyey dilkii Jamal Khashoggi, inkastoo ay Dowladda Sacuudiga gaashaanka ku dhufatay Eedeyntaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga, Ibrahim Kalin  waxa uu Wakaalladda Wararka REUTERS u sheegay bishii hore inay doonayaan inay  hagaajiyaan xiriir ay la yeeshaan Sacuudiga, iyadoo loo marayo Ajendaha Toganaha.