8 Ruux oo ku geeryooday darbi ku dumay duleedka Muqdisho

Illaa 8-ruux ayaa ku geeriyootay, labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii darbi uu kusoo dumay qoysas kasoo barakacay Gobolka Shabeelaha oo deegaansaday Xero ku taalla Waaxda Afaraad ee Garasbaaley.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in 6-ruux goobta ku geeriyootay halka labada kale ay ku dhinteen Isbitaalka loo geeyay in looga daweeyo dhaawacyo culus oo soo gaaray.

“Darbi dheer oo qadiimi ah ayaa dadkaan kusoo dumay, waxaana ku dhintay 6-ruux oo kala ah Hooyo, carruurteeda & dad kale oo ay deris ahaayeen, afar ruux oo dhaawac ah labo kamid ah waa ay dhinteen, sababta burburka darbiga sababtay waa roobkii ugu dambeeyay ee da’ay oo jilciyay dhismaha” ayuu yiri Ismaaciil Xuseen oo la hadlayay mid kamid ah Idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho.

Xerada Barakacayaasha ee Darbiga uu ku dumay waxaa degen qoysas kasoo barakacay Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Janaale, Qoryooley, Bariire & Deegaanno kale kadib markii xaalado colaad & abaar isu biirsadeen.