Abukaate caan ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Koox Bastoolado ku hubeysan ayaa fiidnimadii xalay xaafada Taleex ee Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku toogtay abuukaate ka tirsanaa Wasaradda Caddaaladda Dowladda Federalka Soomaaliya.

Marxuumka la dilay ayaa lagu maacaabi jiray Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Bagadi), kaas oo caan ka ahaa Magaalada Muqdisho, Mana jirto ilaa hada cid sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana gaaray Ciidanka Dowladda oo baaritaano San cidna lagu soo qaban ka sameeyay aaga.