Akhriso: 3 Arrimood u dib u dhigaya qabsoomida Shirka Ra’iisul Wasaare Rooble ku baaqay

Shirka Madaxda waqtigoodu dhamaaday ee DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, e dhowaan uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa laga yaabaa inuu dib u dhaco, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Shirka oo la qorsheeyay inuu dhaco 20-May, ayaa la sheegay inuu dib u dhaco horaanta bishan June, kaddib markii la sheegay inay soo baxeen caqabado cusub.

Wararka ayaa sheegaya in isqabad uu soo dhexgalay Rooble iyo Farmaajo, taas oo sababtay in Farmaajo uu qorsheeyo socdaal uu Dalka uga baxayo, illaa 20 May, si uu Shirka Rooble ku baaqay u fashiliyo.

Sidoo kale, Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u soo magacaabay xal u raadin Khilaafka doorasho ee Soomaalida ayaa la sheegay inuu dib u dhacay imaanshihiisa Muqdisho, taas oo iyana caqabad ku ah qabsoomida Shirka.

Qabsoomida Shirka ayaa sidoo la sheegay inay caqabad ku yihiin Puntland iyo Jubbaland, oo ka caga jiidaya ka qeybgalkiisa hadii aan la helin dhinac saddexaad oo Shirka ka qeybgala, si loo helo damanad qaadayaal, maadama ay fashilmeen Shirarkii madaxdu horey u yaalatay.

Idilnews