Akhriso: Midowga Musharixiinta oo fariin u diray Ergayga gaarka ah ee M/Africa soo magacaabay

Midowga Musharixiinta oo qoraal soo saaray ayaa soo dhaweeyay ergeyga gaar ah ee Midowga Africa ay u soo magacaabeen Soomaaliya, kaasoo noqonaya Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama.

”Waxaan uga mahadcelineynaa Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana dadaallada dhismaha nabadeed ee ka socda guud ahaan dalka. Waxaan ku rajo weynahay in ergayga cusub uu si dhakhso leh oo dhab ah ula macaamili doono dhammaan daneeyayaasha arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, waxaan ka rajo qabnaa inuu ka shaqeeyo kala guur habsami leh iyo dhaqan galinta heshiiskii 17-kii Sebtember oo aas-aas u ah qaadashada doorashooyinka qaranka ee dastuurku jideeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharixiinta.

Sidoo kale, Midowga Musharixiinta ayaa eedeyn u jeediyay La-taliyaha sare ee siyaasada kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika, iyaga oo midowga Africa ka dalbaday in ay dib u eegis ku sameeyaan mas’uulkan.