DF Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Qaraxyo ka dhacay Afghanistan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay Qaraxyo loo adeegsaday gaari oo lagu weeraray Iskuul ay ku sugnaayeen Boqolaal Arday oo ku yaalla Caasimadda Kaabul ee Dalka Afgaanistaan.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay Cambaareyneyso weerarkii argagixisimo ee duhurnimadii shalay lagu qaaday Iskuulka ay joogeen ardayda aan waxba galabsan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay garan taagan tahay, isla markaana  murugadana la qaybsaneyso shacabka iyo Dowladda Afgaanistaan, ayna ka xun yihiin weerarkii ka dhacay Caasimadda Kaabul.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynasaa qaraxyada argagixisada ee galaaftay ardayda aan waxba galabsan ee ka dhacay Caasimadda Kaabul ee Dalka Afgaanistaan. Waxa aannu garab taagannahay, murugadana la qaybsanaynaa shacabka iyo Dowladda Afgaanistaan” ayaa lagu yiri Qoraalka Dowladda ee SONNA lagu daabacay.

Saraakiisha dalka Afghanistan ayaa sheegay in ugu yaraan 25 qof dilay in ka badan 50 kalana lagu dhaawacay qarax ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaalla caasimada Afghanistan ee Kabuul.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in qaraxyo waaweyn oo is xigxigay ay ka dhaceen galbeedka magaalada una dhow dugsi sare oo ay dowladdu maamusho laguna magacaabo Sayeed-ul-Shuhada.