DF Soomaaliya oo sheegtay in xayiraada qaadka Kenya ay wali jirto (Akhriso)

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weli uu dalka uu mamnuuc ka yahay in la keeno qaadka ka imanaya dalka Kenya, xilli la soo celiyey xidhiidhkii labada dal.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu war-geliyey dhammaan shirkadaha diyaaradaha Soomaalida in keenista qaadka Miraa ay mamnuuc ka tahay dalka, islamarkaana aysan waxba iska beddelin delin siyaasadda dowladda federaalka ee ku aadan in Miraa la keeno garoomada diyaaradah Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sheegtay in Miraa la keeno Soomaaliya ayada oo aan ogolaansho laga haysan loo arki dooni ficil sharci darro ah iyo xadgudub ka dhan ah hawada Soomaaliya, inta ay dowladda ogeysiin dambe kasoo saari doono.