Farmaajo muxuu u sheegay Ganacsatada Muqdisho ee uu la kulmay ?

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa xalay la kulmay xubno ka tirsan Rugta Ganacsatada Muqdisho.

Farmaajo ayaa u soo jeediyey ganacsatada uu la kulmay dhawr qodob oo kala ah…

  1. In Ganasatadu taageerto olalihiisa 4ta sano ee soo socota.
  2. In Doorashada uu diyaar u ahaa mar walba balse uu ka shaqeyn waayey Madaxweyneyaal hore u fashilmay, PL iyo JL.
  3. Wuxuu sheegay in nidaamka Federaalku yahay mid waddamo cadow ah noo keeneen.
  4. Wuxuu sheegay inuu dhisi Dowalad Dhexe oo xoog badan oo Kismayo ilaa iyo Hargeisa Dalka gacanta ku qabata.
  5. Wuxuu sheegay in Beesha Caalamku kula dirirtay Hormarka uu Soomaaliya la rabo iyo howlihii u qabtay.
  6. Wuxuu weydiistay in ay taageero dhaqaale iyo mid kaleba uu ka rajeynayo ganacsatada.
  7. Wuxuu sheegay in 11ka meelood ee Doorashadu ka dhaceyso marka laga reebo Kismayo, Garowe iyo Boosaaso uu asagu ku guuleysan doono. Taageerna ka haysto Madaxda Saddex Dowlad Goboleed.
  8. Dhibaatadii Xamar ka dhacday iyo Dagaaladii wuxuu ku eedeeyey Madaxdii hore iyo Dowlado Shisheeye.

Maxay Ganacsatada usoo jeedisay:

  1. In Farmaajo raali gelin ka bixiyo dhibkii Xamar ka dhacay 25 April 202.
  2. In uu ka haro Doorashada madaama Midnimada Soomaaliya khatar weyn soo wajahday.
  3. Inuu RW Rooble u daayo Amniga iyo Siyaasadda Dalka.
  4. Ganacsatada,ayaa u sheegay in Dad badan hantidoodii wixii suurto gal ah ay Dalka kala baxeen.
  5. In Ganacsiga Dalka gaar ahaan Muqdisho uu boqolkiiba 70% hoos u dhac ku yimid.
  6. Waxay u soo jeediyeen inuu Dalka iyo Dadka u naxo.

Waxaa xusid mudan in Ganacsatada qaarkood ay ka gaabsadeen in ay ka qeyb galaan kulankan Farmaajo soo codsaday,Sababtoo ah waxay bishii March u sheegeen in uu heshiis qaato, wuuna ka diiday wakhtigaas.

Jibril Qoobey.