Hay’adda FAO oo ka digtay daadad fatahaado wata oo ku wajahan Beledweyne iyo Jowhar

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa ka digtay halista daadad xoog leh oo Soomaliya ku soo wajahan, kaddin roobab xoog leh oo laga cabsi qabo inay buux-dhaafiyay wabiyada Soomaaliya.

FAO ayaa sheegtay in Wabiga Shabeelle uu buux-dhaafay kaddib roobabkii mahiigaanka ahaa ee da’ay todobaadkii la soo dhaafay.

Waxay sidoo kale sheegtay in roobabkii ka da’ay dhulka buuraaleyda ah ee Ethiopia ay daadadkoodu ku soo qul-qulayaan Soomaaliya, kuwaas oo saameyn doona magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.

“Waxaa ugu daran biyo-xireenka iyo qararka wabiga oo daciif ah, kuwaas oo durba fatahaad ku billaabay Jowhar. Bulshooyinka ku nool hareeraha wabiga Shabeelle waa inay taxadaraan, maadaama qul-qulka webiga la fikałayo in biyahu soo dhaafaan jiinka wabiga dabayaaqada todobaadkan” ayaa lagu yiri qeyla-dhaan ka soo baxday FAO.

Inkasta oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay kordheen biyaha wabiga Jubba, hadana FAO waxay ay sheegtay in khatarta fatahaadda ay ka jirto degmooyin ay midtahay Dooloow.