Madaxweyne QoorQoor oo ka degay magaalada Dhuusamareeb (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, kaddib muddo dheer oo uu ku sugnaa Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ugu soo dhaweeyay Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamanka Galmudug Mudane Cabdullahi Xirsi, qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirada galmudug, Maamulka Caasimadda iyo masuuliyiin kale.

QoorQoor oo la filayay inuu shalay tago Dhuusamareeb ayaa uga baaqday cabsi amni, kaddib markii Al-Shabaab ay kusoo dhawaatay magaalada, oo mararka qaarkood ay ku garaacaan Hoobiyayaal.