VIDEO: Waa sidee xaalada Amni iyo Ganacsi ee magaalada Gaalkacyo ?

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug oo muddo 13 sanno ah marti galinaysa dilal, Qaraxyo iyo colaado ayaa haatan soo kabanaysa, waxaana Magaalada laga dareemayaa Amni balaaran iyo korniin dhinacyada Ganacsiga iyo Deegaanka ah.

Haatan oo lagu guda jiro maalmihii ugu dambeeyay ee bisha Ramadaan ayaa Suuqyada Magaalada laga dareemayaa, sare u kac dhanka wax iibsiga ah, iyadoo sidoo kale Gudaha magaalada ay ka socdaan howlgallo looga hortagayo falalka lidiga ku ah Amniga.