Farmaajo oo ku wajahan Dalka Ugandha, & Ujeedada socdaalkiisa

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa berri ku wajahan magaalada Kampala ee caasimadda Dalka Ugandha, si uu uga qayb galo caalama saarka Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni.

Lindah Nabusayi, afhayeenka Madaxtooyadda Uganda ayaa hadalkaan u sheegay mareegga Chimpreports, waxa uuna intaas ku daray in Farmaajo uu kamid yahay hogaamiyeyaasha dalalka lagu martiqaadey caleema-saarka.

Nabusayi ayaa hadalkiisa raaciyay in Farmaajo uu ku jiro liiska madaxwayneyaasha lafiyo in ay gaaraan magaala madaxda Uganda ee Kampala Talaadada todobaadkan oo taariikhdu tahay 12-ka bisha May.

Dhanka kale, ma jiro war xaqiijin ah oo illaa haatan ka soo baxay dhanka Villa Soomaaliya.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii lagu dhawaaqay in Yoweri Museveni oo 76 sanno jir ah, uu ku guulaystay doorashooyinka guud ee dalkaas markii 6-aad, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine. Museveni xukunka Ugandha haysta tan iyo 1986-dii.