Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo gaabinaya safarkiisii Boqortooyadda Sacuudiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Boqortooyada Sacuudiga tan iyo Jimcihii 7-da May 2021, ayaa degdeg u soo gaba-gabeynaya safarkiisa labada qaybood ah ee Cumrada & la kulanka madaxda dalkaas.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa ujeedka soo gunaanadka socdaalka Rooble ku sheegay in uu ka shaqeynayo howlo badan oo horyaalla, sida abaabulka gogoshada wadahadalka doorashooyinka ee 20-ka May 2021 in ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlad-Goboleedyada.

Rooble ayaa la sheegay inuu Madaxda Boqortooyada Sacuudiga weydiisanayo taageere Maaliyadeed iyo mid siyaasadeed, maadama haatan ay DFS la ciir-ciirayso dhaqaale xumo baahsan.

Sida wararku sheegayaan Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa marka uu dib ugu soo laabto Muqdisho waxaa uu bilaabi doonaa ka shaqeynta Amniga, dhameystirka wadahadalka xubnaha mucaaradka & diyaarinta wadahadalka heshiiskii 17-kii September 2020.