VIDEO: Axmed Karaash oo la kulmay Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’adda socdaalka adduunka (IOM) ee Soomaaliya Richard Danziger.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakiil Madaxtooyo, waxaa looga hadlay dar-dargelinta ka hortagga tahriibta iyo caawimaada qaxootiga kasoo talaaba xuduudaha Puntland.

Madaxweyne ku-Xigeenka Puntland, ayaa Hay’adda IOM uga mahadceliyay doorka lixaadka leh ee ay marwalba ka qaadato kobcinta iyo tayeynta Hay’adaha dowliga ah ee Puntland.