Waa kuma Ninka mucaaradku diidan yihiin ee katirsan Xafiiska AU ee Somalia ?

Babatunde Taiwo waa laga hor istaagay in uu Lataliye ama gacan yare unoqdo Wakiilka gaarka ah arimaha doorashada ee Midowga Afrika, kadib dacwad xoog badan oo ay gudbiyeen Puntland, Jubbaland iyo Midowga Musharaxiinta.

Babatunde waa La taliyaha arimaha siyaasada ee Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya Danjire Madeira. Taiwo waxuu kasoo jeedaa Nigeria waana Nin saamayn badan ku dhex yeeshay Xaafiiska Midowga Afrika ee Somaliya.

Waa musuqmaasuqe khibrad sare leh, danaysta ah aan haba yaraatee tixgelin masuuliyada uu hayo. Waa Ninka Xaafiisyada AMISOM, UNISOM iyo guud ahaan Beesha Caalamka xogohooda hoose, go’aamada soo baxaya iyo Waraaqaha muhiimka ah u gudbiya Fahad Yaasiin, isagoo uga qaata Mushahaar joogta ah.

Ka hor istaagiisa in uu saamayn ku yeesho Wakiilka cusub waxay ka badbaadinaysaa in Fahad galgal ku yeesho shaqada Wakiilkaas.

Jibril Qoobey.