Xasan Sheekh “Aan u midowno ciribtirka fikirka argagixisada”

Madaxweynihii hore ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud, ayaa la tacsiyeeyay geerida Askartii iyo Saraakiishii xalay lagu dilay Qaraxii ka dhacay Saldhiga Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa tilmaamay inay yihiin shuhado naftooda u huray difaaca dalka iyo dadka, isagoona ku baaqay in loo midoobo ciribtirka fikirka Argagixisada.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, bahda Booliska, ehelada & qoysaskii ay ka baxeen saraakiishii iyo askartii lagu dilay qaraxii Muqdisho. Waa shuhado naftooda u huray difaaca dalka & dadka. Aan u midowno ciribtirka fikirka argagixisada”.

Idilnews