10 Carruur ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Dalka Ruushka

Laba nin oo hubeysan ayaa toogasha ku dishay in ka badan 10-caruur ah kadib marki ay weerareen School ku yaala dalka Ruushka.

20- caruur iyo laba la mida Macalimiinta Schoolka ayaa dhaawac ka soo gaaray weerarkaas balse 8- ka mida ayaa dhaawac halis ka soo gaaray weerarkan Argagaxisada lagu tilmaamay.

Waxa la arkaayay labo caruur ah oo ka soo booday dabaqa sadexaad ee Nambar 175-iskuul oo afar dabaq ah oo cabsi ka qabay in ladilo balse dhaawacya halis ah ayaa soo gaaray iyagana.

Weerarkan waxa lagu tilmaamay Weerar Xagjirnima ah oo ka dhan nolosha Aadanaha.