Axmed Madoobe oo ka hadlay tartan aqooneed uu qabtay Telefishinka DFS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa hambalyo u diray tartamayaasha degmada Kismaayo oo ku guuleysatay tartan aqooneedka Telefishinka Qaranka.

“Waxaan hambalyo u dirayaa guulaystayaasha tartan aqooneedka bisha Ramadaan ee Telefishinka Qaranka, waxaana mar kale si weyn ugu guulaystay tartamayaasha Degmada Kismaayo.

Kaliyah caan kuma aha ree Kismaayo ciyaaraha kubada cagta sidoo kale dhinaca aqoonta heerarkeeda kala duwana sanadahii lasoo dhaafay guulo la taaban karo ayay ka gaareen anigoo mar kale ugu hambalyaynaya guulahaas ay usoo hanteen guud ahaan Shacabka Jubaland.

Sidoo kale waxaan u mahad celinayaa tartamayaasha kale ee ka qeybgalay iyo Telefishinka Qaranka oo soo qaban qaabiyay tartankan”.