Farmaajo oo u duulay Dalka Ugandha

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa u dhoofay Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha, si uu uga qayb galo caalama saarka Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni.

Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Ugandha kulan doceedyo la yeelan doona Madaxweynaha Ugandha iyo Madaxda kale ee ka qeybgalaysa caleema-saarka, sida ay sheegtay Madaxtooyadda Villa Somalia.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii lagu dhawaaqay in Yoweri Museveni oo 76 sanno jir ah, uu ku guulaystay doorashooyinka guud ee dalkaas markii 6-aad, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine. Museveni xukunka Ugandha haysta tan iyo 1986-dii.