Sawirro: Xasan Sheekh oo la kulmay Safiirka Jabuuti

Safiirka Dowladda Jabuuti, Aadan Xasan Aadan, ayaa maanta hooygiisa Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu aad uga mahadceliyey booqashadaas. Boggiisa Twitter-ka ayuu ku soo qoray “sharaf ayey ii ahayd in uu maanta i soo booqday Safiirka dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Ambassador Aadan Xasan Aadan”.

Xasan Sheekh waxa uu Dowladda Jabuuti ku tilmaamay dal ka shaqeeya dib-u-dhiska Soomaaliya.

“Waxaan uga mahadceliyay dadaallada dowladda Jabuuti ee dib u dhiska Soomaaliya” ayuu ku yiri dhigaalkiisa Twitter-ka. Waxa uu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay go’aanka Jabuuti ay ku garab taagan tahay dalka, kaas oo uu xusay inuusan waliigiis isbeddelin.

Intaas waxa uu raaciyey ineysan Jabuuti la mid ahayn dalal fara badan oo Soomaaliya saaxiib la ah.

Waxa uu sheegay iney Jabuuti tahay dal walaal ah oo Soomaaliya garab istaagay waqtiyo ay xaaladuhu aad ugu adkaayeen. “Jabuuti waa walaal iyo saaxiib na garab istaagay xilli adag” ayuu Xasan, sidoo kale, ku yiri dhigaalkiisa Twitter-ka.

Booqashadaan waxay imaaneysa iyada oo ay Dowladda Soomaaliya tiro aan yareyn ku eedeysay Dowladda Jabuuti iney xagal-daacineyso Soomaaliya, dhinaca kalena lagu eedeeyo Dowladda Farmaajo iney lumineyso Jabuuti oo ay Soomaaliya aaminsan tahay ineysan u ahayn dal dersi ah oo kaliya ee ay u tahay walaal iyo xigaalo, islamarkaana ay uga hiilisay dalka ay cadaawadduu kala dhaxeyso ee Eretria.