VIDEO: Laftagareen oo la kulmay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Doboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta Aqalka Madaxtooyadda KGS ku qaabilay Wafdi ay hogaamineysey Kuxigeenka Koowaad ee wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya.

Waftiga ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wakiilada midowga yurub, midowga Afrika iyo Diblumaasiyiin kale.

Madaxweyne Lafta-gareen iyo Wakiilada ayaa ka wada hadlay Xoojinta joogteynta xariirka wadashaqeyneed ee koonfur Galbeed iyo iyaga, iyo xaqiijinta shirka looga balansanyahay 20 bishan in uu ka dhaco Caasimada Dalka ee Moqdisho.