Video:-Saamaynta go’aanka Kenya Ee Duulimaadyada Gudaha iyo Dibada Somaliya

Dhamaan waxaa istaagay Duulimaadyadii gudaha Dalka iyo kuwii Dibada,maadaama Diyaaradaha la isticmaalayay ay ka diiwaan gashan yihiin Kenya laguna amray in ay soo xaroodaan.

Farmaajo kuma xisaabtamin danta Umada ee waxuu ka fakaray danta qoyskiisa reer Farmaajo.

Qaadka Kenya waxaa loo xanibay kan Itoobiya ee Xasan Farmaajo keeno dalka maalin walba.

Ugu yaraan 8-Shirkadood oo maalin walba samayn jiray 24-duulimaad oo gudaha iyo dibada ah,ayaa halmar istaagay.

Waxaa go’doon ku jira oo aan laga soo bixi karin lana tagi karin Magaalooyinka Jowhar,Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

Dadka xayirmay waxaa ku jira Madaxweynayaasha Galmudug,Hirshabelle iyo Koonfur-galbeed oo deegaamadooda diyaarad mooyee aan Dhulka loo mari karin sababo amni awgood.

Diyaaradaha istaagay,waxaa ka mid ah….

1.Daallo

2.Juba

3.African Expres

4.Freedom

5.Maandeeq

6.Som Air

7.Sky Plu

Halkan ka daawo muuqaalka