Waare oo ku eedeeyay DFS inay xayirtay 35 Milyan oo loogu deeqay fatahaadaha Hirshabelle

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku eedeeyay wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya inay xayireen malaayiin dollar oo loogu deeqay in wax loogaga qabto fatahaadaha wabiga Shabelle.

Maxamed Cabdi Waare ayaa boggiisa Twitterka ku daabacay in lacag ka badan 35 milyan dollar oo Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka ugu deeqeen fataahadaha Wabiga Shabelle ay xayirtay dowlada federalka.

“Waa Nasiib Daro in lacag gaareysa 35 malyan oo ay fatahaadaha ugu deeqeen Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka ay xayiraan Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta iyo Beeraha.”ayuu yiri Waare.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle ayaa kusoo aadaya xilli degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe uu fatahaad ka sameeyay Wabiga Shabeelle lagana cabsi qabo in degaano kale uu ka fataho.