Wasiir Duraan ”Waan ka fiirsanaynaa go’aanka Kenya ku hakisay duulimaadyada”

Wasiirka Gadiidka Duulista Hawada Dowlada Federalka Duraan faarax ayaa ka hadlay qoraal ka soo baxay dalka Kenya oo ku aadanaa joojinta duulimaadyada Soomaaliya.

Duraan Faarax Wasiirka duulista hawada ayaa sheegay in uusan jirin xiriir toos ah oo ay dowlada Kenya la soo sameeysay dowlada Soomaaliya oo ay baraha bulshada ka aragtay qoraalka ka soo baxay dowlada Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintaas ay saameyn ku yeelaneyso labada dalba waxana uu xusay in aysan jirin dhibaato gaar ah oo dalka Soomaaliya kasoo gaarayo.

“Dowlada Soomaaliya waxa ay arrinkaas kasoo saari doontaaa go’aan munaasib ku ah, waqtiga ku haboona uu go’aankaasi soo bixi doono.”ayuu yiri wasiirka duulista hawada.

Hay’ada Duulista u qaabilsan dowlada Kenya ayaa sheegtay in la hakiyay muddo saddex bilood ah duulimaadyada dalka Soomaaliya tagayay iyo kuwa ka imanayayba.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.