C/raxmaan C/shakuur “Farmaajo wuxuu danaha Shacabka u afduubay ganacsiga Walaalkiis”

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in Farmaajo uu wali caqabad ku yahay Soomaaliya, sida inuu haatan diiday Ergaygii cusbaa ee Midowga Africa soo magacaabay oo horey uu isagu u dalbaday iyo dantii dadka Soomaaliyeed uu u afduubay walaalkiis iyo saaxiibadiis.

Hoose ka akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Farmaajo isaga ayaa dalbaday in Midowga Afrika arrimaha Soomaaliya soo dhexgalo, haatanna isaga ayaa diidaya markii uu dantiisa ka arki waayey. Farmaajo weli ciidanka fadqalallo ayuu ka dhex wadaa.

Danaha shacabka Soomaaliyeed ayuu u afduubay dan ganacsi oo ay walaalkiis iyo saaxibbadiisu leeyihiin. Marna lagama yaabo in Farmaajo fursad u siiyo Raysalwasaare Rooble in uu muujiyo hufnaan uu saamileyda siyaasadda ugu dhexeeyo iyo madax bannaani uu go’aannadiisa ku qaato.

Haddaba Raysalwasaare Rooble waxaa looga fadhiyaa in uu qaado tallaabooyin xoojinaya filashada laga qabo ee ah in uu Farmaajo fariinka u qabto, xeeriyana danta shacbaka Soomaaliyeed, muujiyana in uu ka madax bannaan yahay saameynta taban ee Farmaajo iyo kooxdiisa.

Idilnews