Booliska Puntland oo lagu amray xoojinta Amniga magaalada Boosaaso (VIDEO)

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kormeer shaqo oo kadis ah ku tagay Xarumaha saldhigyada iyo qeybo ka mida Wadoyinka Magaalada Bosaaso halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan booliska gobalka bari kuwaas oo ku jira sugida amniga shacabka madaama magalada ay u soo baxayaan dadweyne badan oo gadanaaya dharka ciidda Waxaana halkaas uu warbixin kaga dhegeystay Taliyaasha iyo sida ay amniga u sugayaan.

Sidoo kalle Taliye Xuseen ayaa bogaadiyey howlaha kala duwan ee ka socda goobaha uu cawa kormeerka shaqo ku tegay, waxaana uu ciidamada kula dardaarmay iney sii laban laabaan howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan Bulshada ku nool Gobalka Bari.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud waxa uu sheegay inuu jiri doono Isla xisaabtan dhab ah oo lagu abaal Marin doono cid walba oo shaqo wanaagsan u heysa Bulshada uu madaxda u yahay, waxa uuna taas bedelkeeda intaa ku daray iney ciqaab muteysan doonaan cid walba oo ku guul dareysata howsha loo idmaday.

Ugu danbeyn Taliyaha ayaa kormeero kedis ah ku tagay qaar kamid ah saldhigyada Bosaaso si uu u hubiyo shaqooyinka ka socda waxaana uu warbixn ka dhegeestay Taliyaha saldhiga oo ka waramay maxaabiista ugu jirta saldhiga iyo danbiyada ay ku xiran yihiin.