Faallo: Maxay aheyd Bumbada Siyaasadeed ee ku qaraxday Farmaajo, kana timid Kenya ?

Kenya ayuu fariin udirsaday,isagoo sii marsiiyay waftigii Qatar, Fariintaas waxuu ku cadeeyay in uu diyaar u yahay wada xaajood dhexmara isaga iyo Uhuru.

Waftiga Qatar markuu gaarsiiyay fariintii Kenya,way aqbashay,waxaana wada xaajood hoose lagu heshiiyay laba arimood oo kala ahaa…

1.In uu soo celiyo xiriirkii uu jaray kaligii.

2.In Doxa Qatar 21-ka bishan ay ku kulmaan Uhuru iyo isaga oo ay kawada hadlaan arinta Badda.

Hogaamiye kooxeedku waa ku dhaqaaqay fulinta qodobkii koobaad,isla markiiba waa soo ceshay xiriirkii.

Kenya oo u aragtay in la heshiiyay,ayaa durba bilowday in ay ganacsigeedii Qaadka ka faa’idaysato waxayna soo rartay 3-diyaaradood,balse Farmaajo oo ilaalsanaya Qaadka Itoobiya ee reer Farmaajo uxiran,ayaa amar ku bixiyay in aysan imaan diyaaradahaas.

Wasiirka arimaha dibada Kenya oo lasoo hadlay waydiiyayna waxa iska badalay xiriir soo celintii lagu heshiiyay,ayaa jawaab looga dhigay Qaadku kuma jiro.

Qodobkii labaad ee heshiiska,ayuu hogaamiye kooxeedku durba isna ka cudurdaartay oo mugdi geliyay kulankii Doxa.

Kenya oo aragtay in uusan Ninkan muqdar wax lagu halayn karo ahayn,ayaa qaadatay talaabo adag oo ay ku karbaashayso.

Hogaamiye kooxeedka soo daahay ujeedkiisu waxuu ahaa in uu Kenya afka umacaaneeyo si uu ugu yaraan xiliga doorashada uga amaan helo,balse Kenya oo fahansanayd,ayaa ku tala gashay in ay wax la taaban karo kala harto Ninka sii socda.

Kulanka Doxa waxaa qorshaysnaa in uu Farmaajo balanqaado doorashada kadib in uu Warqad qoro soona celiyo Dacwada Badda hadana Kenya ay ka caawiso Doorashada,balse markuu arkay kacdoonka baraha Bulshada ka bilaamay iyo Mucaaradkii oo ka faa’idaystay,ayuu gadaal ugurtay.

Saakay waxaa haysta cadaadis xoog badan oo kaga imaanaya Ganacsatadii iyo Shacabkii Muqdisho.

Dadka falanqeeya arimahan waxay qabaan in hogaamiye kooxeedka soo daahay ee Farmaajo laga badiyay lagana hor keenay markale Shacabkii Somaliyed khasabna ay ku tahay in uu fuliyo dalabka Kenya ee ganacsiga Qaadka si wax walbaa caadi ugu soo laabtaan.

Jibril Qoobey.