Guddoomiye Sanyare oo baaq u diray Shacabka magaalada Gaalkacyo (VIDEO)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur, ayaa faray laamaha amniga Gobalka Mudug inay xoojiyaan Amniga magaalada Gaalkacyo, maadama la galay maalmo ku asteysan farxad iyo damaashaad, oo Muslimiintu u dabaal-degayso Munaasabadda Ciidul Fitriga.

Guddoomiye Abdiladiif Muuse Nuur oo shalay guddoomiyay Shir looga hadlayay Amniga Gobalka Mudug iyo maalmaha Ciida, ayaa tilmaamay in Ciidanku ay ku guuleysteen inay xaqiijiyaan amniga magaalada Gaalkacyo bisha barakeysan ee Ramadaan oo ay shacabka dhibaateyn jireen Argagixisada Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa ugu baaqay Shacabka inay la shaqeeyaan Ciidanka ayna u hoggaansamaan Awaamiirtooda, si looga guuleysto kuwa doonaya dhibaateyntooda.