Hirshabelle oo Wasiiro kamid ah DFS ku eedeysay fatahaadaha ka jira deegaanadeeda (Akhriso)

Maamulka Hirshabelle ayaa war saxaafadeed ka soo saaray fatahaada wabiga Shabelle ee deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, iyagoo ku eedeeyay Wasiirada Federaalka sida Maaliyadda iyo Qorsheynta inay caqabad ku noqdeen sii deynta lacago loogu tala galay wax ka qabashada fatahaadaha.

“Waxaa wax laga xumaado ah laga xumaado ah in Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirkeeda ay caqabad ku noqdeen fududeynta iyo sii deynta qarashaad wax looga qaban lahaa arrimaha hadda taagan dhibaatadana heerkaan ma gaarteen hadii wasaarada maaliyada sii deyn laheyd qarashaadka looga hortagayo fatahaada xilligii Maamulka dalbaday”ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka