Kheyre “Qof walba waxaan ku boorinayaa inuu wax baxsado”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Hassan Ali Khaire, ayaa Hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku booriyay inay farxada Ciidul Fidriga la qeybsadaan dadka ay heystaan duruufaha gaarka ah.

“Waxaan dhammaan Muslimiinta ku nool daafaha caalamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa farxada Ciid Al-fidri. Waxaan Allah ka baryayaa inuu naga aqbalo waajibaadka iyo cibaadada bishii Ramadan aan soo gudanay, uuna nooga dhigo danbi dhaaf iyo Alle u dhawaansho.”

“Waxaan qof walbe oo awoodo inuu wax baxsado ku boorinayaa inuu farxada Ciidda gaarsiiyo walaalaha kale ee duruufaha noloshu aysan u saamixin inay farxaan ama ubadkooda u iibiyaan agabyada Ciida. Si gaar ah waxaan qof walba oo Soomaali ah ku boorinayaa inuu xiriiriyo uuna sadaqada, farxada iyo salaanta maalinta Ciidda gaarsiiyo Qaraabada aan la nooleyn, dariska ku dhow iyo masaakiinta ku duruufeysan magaalada uu qof walba ku suganyahay.”

“Maadaama uu dalkeenu xiligan ku suganyahay xaalad adag, waxaan ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa inay usoo duceeyaan in ilaahay uu dajiyo xaaladda dalkeena, uuna isku soo dhaweeyo quluubta shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.”

Waxaan Allah ka rajeynayaa in Ciidan Ciideeda kale aan ku gaarno Nabad iyo Horumar.

Farxad ku ciida

Idilnews