Maxkamadda Puntland oo xukun ku riday 5 xubnood oo Al-Shabaab ah (Sawirro)

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Gobalada Mudug iyo Cayn ee Dowladda Puntland ee magaalada Galkacyo ayaa xukun dil ku xukuntey 5 Nin ee kala ahaa Horjooge Kalaay, Abkow, Laaga, Cali Jareer iyo Nageeye Qanjey, kuwaas oo lagu helay falal dil ah oo iyago Argagaxisada Alshabaab ka tirsan ay ka geysteen magaalada Galkacyo.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xoriyaddooda dib ugu celisey 6 qof oo tuhun Alshabaab lagu soo qabtey balse ugu danbeyn wax danbi ah lagu waayey.

Maxkamada Ciidamada Puntland ayaa dhawaan illaa siddeed ruux ugu riday xukun dil toogasho ah,kuwaasoo dhammaantood lagu helay inay xubno ka ahaayeen Alshabaab ayna dilal ka geysteen magaalada Gaalkacyo.