Puntland oo bilaabaysa diiwaangelinta codbixiyayaasha Doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre, ayaa shaaciyay in todobaadka  soo socda ay bilaaban doonto diiwaan-galinta codbixiyayaasha Doorashooyinka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Guled Salah ayaa sidoo kale sheegay inuu gaba-gabo marayo diyaargarowga diyaarinta Agabka codbixinta, isagoona mahadcelin u jeediyay Shaqaalaha Guddiga oo dadaal galiyay habsami u socodka diyaargarowga doorashooyinka.

Idilnews