Sirdoonka Jubbaland oo fashiliyay Qarax culus oo lala damacsana Kismaayo

Ciidammada Ammaanka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa goordhaw fashiliyay isku day ay Kooxda Al-Shabaab doonayeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Muslimiinta ah ee Eebbe uso soomanaa bishii Barakaysnayd ee Ramadan.

Ciidammada Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Jubbaland ayaa fashiliyay miino ay kooxda argagixisada Al-Shabaab ku xireen gaari uu lahaa mid kamid ah dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Kismaayo.