Dunida Islaamka oo maanta si weyn looga Ciidayo

Dunida Islaamka oo ay kamid tahay Soomaaliya ayaa maanta ay ka socdaan Munaasabadaha loogu dabaal-degayo Ciidul Fitriga, kaddib markii shalay oo Arbaco aheyd ay dhameystireen 30-ka Bisha Ramadaan, halka degaannada ay Maamulaan Al-Shabaab laga ciidayay.

Meelaha  Maanta ay u tahay Maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga ayaa waxa kamid ah Magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Hargeysa, Kismaayo iyo deegaanada kale ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu oogayo salaada Ciida, sidoo kalena ay dadku isugu hambalyeeynayaan munaasabadda Ciida.