Ciidammo kusoo tababartay Jabuuti oo laga dajiyay Muqdisho (Sawirro)

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti ayaa maanta dalka dib loogu soo dhaweeyay.

Cutub ka tirsan Ciidanka Darawishta Boliiska Soomaaliyeed oo mudo 3bilood ah tababar heerkiisu sareeyo ku qaadanayay dalka Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka .

Tababarka Ciidankaan la siiyay ayaa waxaa bixinayay Macalimiin quburo ah oo ka socday Ciidanka Carabinieri-ga Taliyaaniga oo had iyo jeer gacan siiyo dhismaha Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed.

Soo laabashada Ciidankaan ayaa laga rajeynayaa inay qeyb ka noqodaan, howlgalada sugida Nabadgelyada iyo sifeynta Argagixisada.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.